BURCO:- CIIDAMADA AMAANKA OO XABSIGA DHIGAY LABA MUWAADIN OO EEDAYMO U JEEDIYEY QALBI DHAGAX

0
40

BURCO:-ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay laba nin oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaasi.

Sida uu soo sheegayo weriyaha Hadhwanaagnews ee magaalada Burco Cabdirisaaq Koronto, ciidamada amaanka ayaa maanta xabsiga dhigay labadan nin oo lagu kala magacaabo Faarax Xuseen iyo Shaakir Deeq.

Wararka ayaa sheegaya in xadhiga labadan muwaadin uu la xidhiidho hadalo ay dhawaan warbaahinta ka sheegeen oo ku saabsan in Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu baabuur ka gubay wakhtigii ay jabhada ONLF mamnuuca ahayd.

Ciidamada amaanku wali faah faahin