Soomaaliya: Dilal, musuq maasuq iyo faafreebid ayaa xayiray madax bannaanida warbaahinta

0
60

Weerarrada sii badanaya, hanjabaadaha iyo cagajugleynta lagula kaco shaqaalaha warbaahinta ayaa ka dhigay Soomaaliya mid kamid ah dalalka ugu khatarta badan caalamka ee weriye lagu noqdo, sida ay maanta sheegtay Amnesty International.

Warbixinta “Waxaan ku noolnahay cabsi joogta ah”, ayaa hay’addu waxa ay ku diiwaangelisay xaaladda sii xumaanaysa ee xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” bishii Febraayo 2017. Weerarrada ay weriyayaasha kala kulmaan Al-Shabaab iyo weliba laamaha ammaanka ee dowladda, faafreeb sii kordhaya, xarig aan loo meeldeyin ayaa horseeday in sideed weriye ay ka cararaan dalka.

“Weriyayaasha Soomaaliya ayaa ah kuwo lagu hayo weerarro joogta ah. Suxufiyiinta ayaa ku shaqeeya xaalado murugsan, oo waxaa lala beegsadaa qaraxyo gawaarida loogu xiro, rasaas lagu rido, garaac iyo xarig aan loo meeldeyin,” ayuu yiri Deprose Muchena, agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

“Cadaadiska lagu hayo xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta ayaa ku dhaca qaab isla xisaabtan la’aan ah, dowladdana inta badan ma baarto mana maxkamadeyso dadka geysta weerarrada lagu beegsado weriyayaasha.”

Kudhintay rasaasta booliska iyo weerarada Al-Shabab

Ugu yaraan sideed suxufi ayaa Soomaaliya lagu dilay tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo. Shan waxa ay ku dhinteen weerarro aan kala sooc lahayn oo uu fuliyay ururka Al-Shabaab, laba waxaa dishay dabley aan heybtooda la aqoonsan, halka mid kale uu toogtay askari booliska federaalka ka tirsan.

Cabdirisaaq Qaasim Imaan, 17 jir sawir qaade u ahaa telefishinka SBS ayaa waxaa madaxa ka toogtay askari boolis ah 26-kii July 2018, xilli uu ka soo laabtay hawlo shaqo oo uu u tegay degmada Waberi ee Muqdisho.

Si aan inta badan dhicin, Cabdullaahi Nuur Axmed oo ka tirsan booliska ayaa lagu helay dembiga dilka weriyahaasi. Isagoo maqan ayaa waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo inuu qoyska wiilka dhintay siiyo 100 halaad oo diya ah. Haseyeeshee gacanta laguma dhigin oo waxa uu ku dhuumaalaysanayaa Galmudug.

Laba weriye oo kala ah Maxamed Sahal Cumar iyo Hodan Naleyeh ayaa kamid noqday 26 qof oo ku dhintay weerar ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku qaadeen huteel ku yaal Kismaayo bishii July 2019. Cawil Dahir Salaad oo ka tirsanaa telefishinka Universal ayaa ku dhintay qarax gaari loo adeegsaday oo uu ururka Al-Shabaab ka fuliyay Muqdisho bishii Disembar 2018. Sawir qaade madax bannaan, Cali Nuur Siyaad ayaa kamid noqday dadkii lagu laayay qarixii weynaa ee Muqdisho ka dhacay 14-kii Oktobar, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, halka weriye Cabdullaahi Cismaan Macallin uu 13-kii Sebtembar 2017 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lagu weerarray maqaayad ku taal magaalada Beledweyne.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka tirsan weriyayaasha telefishinka Kalsan, una dhaq-dhaqaaqa xuquuqda saxaafadda ayaa si layaab leh uga badbaaday qarax loogu dhajiyay gaarigiisa xilli uu shaqada ka soo rawaxayay 4-tii Disembar 2018. Hadda waxa uu ku sugan yahay dalka Turkiga oo looga daweynayo dhaawaca xooggan ee soo gaaray.

Laga soo weerarray dhinac kasta

Zakariye Maxamuud Timacade, oo la shaqeyn jiray telefishinka Universal, ayaa dalka ka cararay Juun 2019, kadib markii ay u hanjabeen Al-Shabaab iyo laamaha ammaanka ee dowladda, iyagoo ku haysta laba warbixin oo kala duwan. Ururka Al-Shabaab ayaa ka carooday warbixin uu Maarso 2019 ka diyaariyay saddex ka tirsan xubnahooda oo ay gacanta ku dhigtay hay’adda NISA. Waa ay u hanjabeen oo waxay usheegeen in “la dili doono ka hor inta aan la toogan saddexda nin ee Al-Shabaabka ah”.

Warbixin kale oo uu diyaariyay Mey 2019 ayaa ka caraysiisay saraakiisha ammaanka, maadaama ay warbixintu muujisay in Al-Shabaab ay si muuqata uga hawlgalaan Muqdisho. Waa loo yeeray, oo su’aalo ayaa la weydiiyay, kadibna waxaa la siiyay digniin culus oo ah inuu iska ilaaliyo “arimaha ammaanka”, kadibna waxaa loo soo diray dhowr telefoon oo loogu hanjabay, isagoo ku qasbanaaday inuu dalka ka cararo.

“Cabsida ugu weyn waxay iiga timid NISA… Waan ogaa inay i dili rabeen. Muqdisho, waad ka dhuuman kartaa Al-Shabaab, balse kama dhuuman kartid NISA. Waxa ay si fudud iiga wadan kareen xafiiskeyga. Waxaan go’aansaday inaan ka baxo dalka,” ayuu yiri.

Cali Aadan Mumin, oo ka tirsan weriyayaasha Goobjoog, ayaa la kulmay xadgudubyo fool xun, taasoo ku qasabtay inuu ka nasto shaqadiisa. Waxaa loo xiray qoraal uu Facebook soo dhigay Mey 2019. Markii dambe kiiskiisa waa la tuuray, balse maxkamadda ayaa amartay in maalmo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayo, kadibna cinwaankiisa Facebook ayaa gebi ahaanba hawada laga saaray.

Laaluush cad

Amnesty International ayaa sidoo kale diiwaangelisay faafreebid iyo eedeymo ah in dowladda Soomaaliya ay laaluushto warbaahinta. Mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa la sheegay inay bil kasta laaluush siiyaan milkiilayaasha iyo agaasimayaasha qaar ka mid ah warbaahinta, si aysan u baahin wararka aan “u wanaagsaneyn” dowladda.

Agaasime hore oo warbaahinta ah ayaa yiri: “Waxaa i soo wici jiray mas’uul ka tirsan xafiiska Madaxweynaha, kaasoo aan kula kulmi jiray huteel si aan uga qaato lacagta oo kaash ah. Weligii ma uusan oggolaan in lacagta uu iigu shubo bangiga.”

Weriyayaasha la waraystay ayaa sheegay in tifaftirayaashooda ay ku amri jireen inaan la qorin warbixinnno lagu dhaliilayo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, ama wararka ku aaddan amni darrada, musuq maasuqa iyo tacaddiyada xuquuqda aadanah.

Amnesty International ayaa diiwaangelisay afar weriye oo shaqada laga eryay kadib markii ay diiddeen amarro faafreeb ah.

“Baadigoobka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in magac wanaagsan ay caalamka ku yeelato ayaa horseeday inay adeegsato qaabab caburin ah, kuwaasoo ka horimanaya heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Dowladdu waxa uu waajib ka saaran yahay ilaalinta xoriyadda hadalka, macluumaadka iyo madax bannaanida warbaahinta,” ayuu yiri Deprose Muchena.

Ugu cagajugleynta Baraha Bulshada

Faafreebidda baahsan ayaa ku qasabtay weriyayaal badan inay u weecdaan baraha bulshada si ay u soo bandhigaan fekradahooda, haseyeeshee dowladda ayaa samaysay koox dabagasha oo u gudbisa waxyaabaha lagu dhaliilsan yahay.

Weriyayaasha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay inta badan soo wacaan, oo ay si adag ugu hanjabaan cawaaqib xumo haddii ay diidaan inay cinwaannadooda gaarka ah ka saaraan waxyaabaha ay ku dhaliilayaan.

Weriye ayaa shaqada ku waayay taageero uu Facebook ugu muujiyay siyaasi mucaarad ah. Waxa uu diidday inuu go’aankiisa bedalo xitaa markii ay qasbeen shaqaalo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha, oo gaaray heer ay la xiriiraan macallinkii u dhigi jiray kuleejka si uu ugu qanciyo inuu gebi ahaanba isaga baxo saxaafadda.

Amnesty International ayaa sidoo kale diiwaangelisay 16 cinwaannada Facebook ah oo gebi ahaanba hawada laga saaray, 13 kamid ahna ay leeyihiin weriyayaal mudadii u dhexaysay 2018 iyo 2019. Waxaa la sheegay in shakhsiyaadkaasi ay ku xadgudbeen “Dhaqanka Bulshada ee Facebook”

“Waa in shirkadda Facebook ay xaqiijiso in aysan ku shaqeyn marin habaabinta dowladda Soomaaliya si ay u wiiqdo xoriyadda hadalka, gaar ahaan xilli doorasho la filayo dhammaadka sanadkan. Waa inay xoojiyaan hab raacooda marka ay baarayaan eedeymaha la xiriira xadgudubka Dhaqanka Bulshada,” ayuu yiri Deprose Muchena.

“Madaxweyne Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu qaado tallaabooyin baaritaanno degdeg ah, adag, madax bannaan, oo wax ku ool ah, kuwaasoo ku aaddan eedeymaha tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyo madax bannaanida warbaahinta. Kuwo lagu tuhmo inay mas’uul ka yihiinna si sax ah loo marsiiyo cadaaladda.”

/Dhamaad