Waddamada Ingiriiska, Itoobiya, Talyaaniga Iyo Soomaaliya Oo Baaq Ka Soo Saaray Taageero Loo Fidiyo Ciidamada Amisom

0
106

Wadamada Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya iyo  Soomaaliya ayaa  iskugu yeedhay wadamada Beesha caalamka si ay soomaaliya uga taageeraan amaanka, siyaasada iyo dib u habaynta dhaqaalaha.

Wasiirka arimaha Afrika ee dawlada Ingiriiska Harriett Baldwin oo gudoomiyey shir gaar ah oo lagaga hadlayey soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen  wasiirka arimaha dibada soomaaliya, wasiirul dawle Hirut Zemene oo ka socday dalka Itoobiya, wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Talyaaniga, xoghayaha guud ee qaramada Midoobay iyo xubno ka socday midawga Afrika iyo midawga Yurub.

  • Wasiirka arimaha Afrika ee dalka Ingiriiska Harriett Baldwin ayaa amaanay geesinimo iyo saamayn wanaagsan oo uu sheegay inay sameeyaan ciidamada ka socda midawga Afrika ee Amisom iyo kuwa soomaaliya ee u dagaalamaya dib u soo celinta xasiloonida dalka, waxaanu si gaar ah u tilmaamay muhiimada ay leedahay in guul laga gaadho amniga soomaaliya ay tahay mid saaran ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha dalka.

Wasiirka Harriett Baldwin ayaa soo bandhigay laba fursadood oo lagu wanaajin karo mustaqbalka Soomaaliya waxaanu yidhi “ Soomaaliya hada waxay haysataa fursad ay ku gaadhi karto mustaqbal wanaagsan, waana in dadkeedu aanay u ogolaan argagixisada fursad dambe oo ay ka qayb qaataan deganaanshaha ka socda gobolka

Si loo dhiso mustaqbalkaas waa in si run ah loo taageeraa dedaalka caalamiga ah ee socda, waxaanan ugu baaqayaa saaxiibada soomaaliya inay ka qab qaataan dhaqaale joogto ah oo loo helo ciidamada Amisom”

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhinaciisa ka hadlay muhiimada ay soomaaliya u leedahay taageerada caalamku waxaanu yidhi “Dawlada federaalka ah ee soomaaliya waxay joogtaynaysaa fulinta siyaasadaha muhiimka ah ee dib u habaynta dhaqaalaha iyo siyaasada kuwaas oo soomaaliya ka caawinaya inay ka gudubto sanado badan oo adag, taageerada beesha caalamkuna wali muhiim ayey u tahay soomaaliya, waxaanu sii wadaynaa inaanu hore u sii socono anaga oo taageero ka helayna saaxiibadayada caalamka, waxaanan sii adkaynaynaa qorshahayaga dib u habaynta anaga oo masuuliyada amaanka soomaaliya ka soo wareejinayna Amisom una diyaarinaysa ciidamada xooga soomaaliya”