WARBIXIN: Barcelona Oo Muujisay In Ayna Ku Tiirsanayn Lionel Messi Kulankii Tottenham

0
50

Barcelona ayaa u baahneyd natiijo fiican oo Europe ah ka dib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed niyadjab leh kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalaka La Liga, wadada ugu muhiimsan ee ay sidaas ku gaadhi karto ayaa ahayd in ay meel iska saarto ku tiirsanaanta Lionel Messi oo ay si joogto ah ugu tiirsanaayeen labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ee tartanka champions League marka ay ku ciyaarayso meel ka baxsan garoonkeeda.

Arintaas ayaa ka dhacday Wembley halkaas oo ay xiddigaha kale ee kor u qaadeen ciyaartooda shabaqana soo taabteen kulankii Tottenham ka hor intii uuna Lionel Messi dhalin shabaqa.

Ugu horayn Philippe Coutinho ayaa soo taabtay shabaqa isaga oo taabtay isaga oo ka faa,iidaystay Ernesto Valverde oo ku bilaabay 3-da xiddig ee weerarka kana ciyaaray booskii Dembele.

Coutinho ayaa sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kaas oo si fiican uga ciyaaray khadka dhexe sidoo kale horay u wadayay kubada sidoo kale ka faa,iidaystay khaladkii Lloris kana dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo sidoo kale dhaliyay 3 gool xilli ciyaareedkan lana bar-baro ah xiddigaha Luis Suarez & Ousmane Dembele.

Ivan Rakitic ayaa sidoo kale muujiyay tayadiisa isaga oo u dhaliyay Barcelona gool cajiib ah kadib markii uu la kulmay dhaleecayn xoogan todobaadyadii ugu dambeeyay.

Barcelona ayaa mar walba ku tiirsanaan karta Lionel Messi kadib markii uu 2 gool u dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta isaga oo kor ugu qaaday goolashiisa 5 gool tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Luis Suarez ayaa mar kale ku fashilmay in uu gool dhaliyo tartanka champions League marka ay kooxdiisu ku ciyaarayso meel ka baxsan Garoonkeeda taas oo haatan gaadhay sanadkii 3-aad oo uuuna wax gool ah ku dhalin champions League meel ka

Xigasho(kooxda.com)